- Jasser Auda
- iiit.org
- Suhayb Cabdiraxmaan
- 78
- 6319
- 2743
- 2540
Ujeedada shareecada: Tuse Bar-bilow ah
Buuga “maqaasida shareecada” waxuu ka waramayaa ujoodooyinka ay u
timai shareecada islaamku. Islamarkaana wuxu soo bandhigayaa ujoodooyinkaas
oo u qaybinyao saddex heer. Ka dinbma u ku xidhaya xuquuqul insaanka caalmka
iyo arimo kale oo muhim ah.
Fkirada ah in ujeedooyinka ama hadafyada ama maqaasida kitaabka iyo sunnada la
baadho waxay soo bilaamatay aminkii saxabada, waxa sidatan laga arki karaa daba
gal lugu sameeyo dhowr dhacdo oo aminkii saxbaada dhacay, sida xadiiskii
tibaaxayay: ku tutukadka salaada casar reer binuu qureyda, xadiiskoo dhowr qaab
loo soo waryay waxaa uugu caansan riwaayada sidatan ah: “inuu nabigu amray
saxaabadiisa badhkood inay u tagaan reer banuu qureyda, casarkana inayna halkaas
meel aan ahayn ayna ku tukan, wakhtigii salaada casar ayaa ku dhawaaday inuu
baxo iyagoon saxbaadi gaadhin banu qurayda, waxayna iskugu khilaafeen laba
ra’iyi oo kala duwan, qolo ku adkaysatay inayna salaada casar tukanin iyagoo banu
qurayda gaadha mooyiye, iyo qolo salaadi tukatay si uuna wakhtigeedu u bixin.
Qoloda hore waxay xujaysteen in uu amarka nabigu cadaa uuna ahaa inayna
salaada casar banu qurayda ku tukadaan, halkay xujada qoloda labaad ka ahayd in
u jeedka nabiga uu ahaa inay dagdagaan ooy dhakhso u gaadhaan reer banu
qurayda aanu se ka wadin in salaada casar dib loo dhigo intu ka baxayo
wakhtigeedu. xadiisku waxa u sii raacinyaa in u nabigu labadii qolaba ka aamusay
falkoodi. Fiqi yaqaanku waxay isla ogsoonyihhin in waxa nabigu ka aamusa ka
dhigantahy wax banana inuu yhay. Laakiin halkan waxa khilaaf keenay fiqi
yaqaanka wayn ee ibnu xasam al daahiri oo ku khilaafay saxaabadii dhexda ku sii
tukatay waxa uuna yidhi “waxay ahayd inay sugaan inta ay ka gaadhayaan reer
banuu qurayda sidaas ayuuna nabigu faray, haba noqoto inay salaada saqbadhka
tugadaane!.
Waxa jira dhacdo kale oo raad dheer u le u fahanka amarada nabiga “fahan
maqaasideed” waana arintii dhul qaybsiga ee dhacday wakhtigii (cahdigii) cumar
binu khataab oo isagu la tashan jiray saxaabo tiro badan, dhacdadan iyada ah
saxaabdu waxay ka dalbeen cumar inuu dhulalkii ay dowladda muslimiintu ay
qabsatay ee masar iyo ciraaq ahaa inuu uugu qaybyo (qaniimo ahaan). Iyagoo
xujaysanayo aayado sheegaya in qaniimada loo qaybyo dagaal-yahanada
(muxaaribiinta). Se cumar binu khadaab arintaas waa u ka diiday isagoo
xujaysanaya aayad ka (caamsan) kuwa ay xujetsteen. Aayadaha u cuskaday cumar
oo a” ujeedkeeduna yahay “yaynan kaligood gacanta ku dhigin (ixtikaaranin)
maalqabeenadu lacagta iyo hantida”.